Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo ujeedooyin siyaasadeed u adeegsanaya Ciidanka PMPF

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1674370455176.jpg?resize=720%2C48

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa ujeeddooyin siyaasaseed u adeegsanaya Ciidanka gaar ah ee PMPF sida ay xaqiijinayaan xogo lagu kalsoon yahay.

PMPF ayaa dhawaan qayb ka noqday ciidamada ilaalinaya agabka diiwaan-gelinta doorashooyinka lagu muransan yahay ee qof iyo cod taas oo ka baxsan shaqadooda rasmiga ah.

Xogaha ayaa sidoo kale caddaynaya in Ciidanka PMPF loo diyaariyay in ay qayb ka noqdaan mudda kororsi uu bartamaha sannadkan 2023 qorshaynayo Siciid Deni.

Shaqada rasmiga ah ee Ciidanka PMPF ayaa ah ilaalinta xeebaha Puntland iyo sidoo kale la-dagaallanka argagixisada.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni oo ujeedooyin siyaasadeed u adeegsanaya Ciidanka PMPF appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this