Sign in to follow this  
Deeq A.

Garaadka guud ee Beelaha SSC oo lagu wado in uu berri gaaro Laascaanood

Recommended Posts

Deeq A.   

Garaadka guud ee Gobollada SSC Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa lagu wadaa in uu Isniinta berri ah gaaro magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.

Garaadka Jaamac Garaad Cali ayaa mudda 15 sano ah ka maqnaa Laascaanood waxaana uu isaga tagay 23 October 2007 oo ku beegan 8 cisho kadib markii Somaliland qabsatay Laascaanood.

Garaad Jaamac ayaa ka qayb-galaya Shirka Aaya-ka-tashiga beelaha SSC oo la filayo in uu Todobaadkan ka furmo Laascaanood kaas oo daba socda kacdoonka Shacabka.

Ciidamada Somaliland ayaa Laascaanood qabsaday 15 October 2007 waxaana markaas kadib magaalada ka bilowday dilal qorshaysan oo lagu laayay haldoorkii Beelweynta Sool clan.

Dilalka qorshaysan ayaa Laascaanood ka socday mudda 15 sano ah oo Somaliland ka talinaysay halkaas islamarkaana dhammaantood ma jirto cid loo qabtay.

PUNTLAND POST

The post Garaadka guud ee Beelaha SSC oo lagu wado in uu berri gaaro Laascaanood appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this