Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland iyo hay’adda UNHCR oo ka wada-hadlay Maareynta Qaxootiga iyo Muhaajiriinta

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1674393791880.jpg?resize=720%2C48

Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland Cabdi Faarax Siciid Juxaa ayaa maanta magaalada Boosaaso kula kulmay madax ka socotay hay’adda UNHCR.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland ayaa lagu sheegay in wasiir Juxaa uu Boosaaso ku qaabilay madaxda Hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan Arrimaha qaxootiga oo ay hogaaminaysay madaxda Hay’adda UNHCR ee Puntland mss Monica.

Wasiirka iyo madaxda Hay’adda UNHCR ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee qaxootiyada, barakacayaasha iyo qulqulka muhaajiriinta soo gala gudaha Puntland sida lagu sheegay qoraalkaas.

Sidoo kale, waxaa looga wada hadlay kulanka mashaariicda kala duwan ee ay hay’adda UNHCR ka waddo Puntland, sida la i saga kaashan karo kaalmada iyo maareynta qaxootiga iyo magangelyodoonka ku nool gudaha Puntland.

PUNTLAND POST

The post Puntland iyo hay’adda UNHCR oo ka wada-hadlay Maareynta Qaxootiga iyo Muhaajiriinta appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this