Sign in to follow this  
Deeq A.

Xarunta gobolka Banaadir oo la wareeray

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16743870206271413.jpg?resize=720%

Kooxda Al-shabaab ayaa weerar qaraxyo ku bilowday ku galay xarunta maamulka gobolka Banaadir oo ku taala degmada Xamarweyne.

Dhowr qarax oo isxigxiga ayaa la maqlay, waxaana saraakiisha dowladda ay xaqiijiyeen in dagaalamayaal Al-shabaab ah ay gudaha u galeen xarunta dowladda hoose ee Muqdisho, iyadoo uu socdo howlgal lagula dagaalamayo kooxdaas.

Gudaha xarunta waxaa ku jirta mas’uuliyiin heer gobol, heer degmo, saraakiil ciidan iyo dad shacab ah, kuwaasoo aan la ogeyn xaaladooda.

PUNTLAND POST

The post Xarunta gobolka Banaadir oo la wareeray appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this