Sign in to follow this  
Deeq A.

Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe iyo wefdi uu hoggaaminayo oo maanta ku wajahan Laascaanood

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1674371289668.jpg?resize=720%2C48

Wefdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe ayaa maanta ku wajahan magaalada Laascaanood.

Garaadka iyo wefdigiisa oo ay galbinayaan cutubyo ka tirsan ciidanka Xoogga SSC ayaa saaka ka amba-baxay magaalada Buuhoodle ee xarunta Gobolka Cayn.

Soo dhawaynta wefdiga Garaad ayaa laga dareemaya guud ahaan magaalada Laascaanood waxaana u diyaar-garoobay dadweyne fara badan.

Shacabka Laascaanood oo ku labbisan calanka Qaranka Soomaaliya iyo kan SSC ayaa sida wararku sheegayaan jidadka u taagan soo dhawaynta Garaad.

PUNTLAND POST

The post Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe iyo wefdi uu hoggaaminayo oo maanta ku wajahan Laascaanood appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this