Sign in to follow this  
Deeq A.

Baaq laga soo saaray xaaladda siyaasadeed ee Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Madasha Siyaasadda Puntland ayaa soo saartay baaq ka kooban shan (5) qodob oo la xiriira xaaladda siyaasadeed ee Puntland.

Madasha Siyaasadda Puntland ayaa ugu baaqday Guddiga KMG ah ee Doorashpoyinka (TPEC) in ay halis amni iyo xasilooni la’aan siyaasadeed u horseedin Puntland, isla markaasna aysan baarmarin dastuurka iyo shuruucda u dagan dalka.

Sidoo kale Madasha waxay ugu baaqday xukuumadda in ay joojiso afduubka shaqadii loo idmaday TPEC, oo ay sheegeen in ay hoggaaminayaan wasiiradda, guddoomiyeyaasha gobollada iyo degmooyinka.

Madasha Siyaasadda Puntland ayaa ugu baaqday ciidamada qaybahooda kala duwan in aysan ku milmin siyaasadda una adeegin damac shaqsi.

Madasha ayaa ugu baaqday xukuumadda in ay joojiso marin habaabinta shacabka iyo ku tagrifalka dhaqaalaha ummadda oo ay u adeegsato dano gaar ah iyo kala qaybinta dadka reer Puntland.

Madasha Siyaasadda Puntland waxay ugu baaqday isimadda, waxgaradka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada in laga hortago hubanti la’aanta siysaadeed ee xukuumadda Madaxweyne Deni ku howlan tahay, si dano shaqsi loogu gaaro.

IMG-20230121-WA0002.jpg?resize=1000%2C14 IMG-20230121-WA0003.jpg?resize=1000%2C14

PUNTLAND POST

The post Baaq laga soo saaray xaaladda siyaasadeed ee Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this