Sign in to follow this  
Deeq A.

“Heshiiska Iibka Shidaalka Ee Pakistan Wuxuu Maraya Halkii Ugu Dambaysay…” Dawladda Ruushka

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Islamabad)- Ruushka ayaa sheegay Jimcihii inay ‘heshiis isfaham ah’ la gaadheen dalka Pakistan, oo ku saabsan sahayda saliida qaydhin iyo batroolka, iyada oo sidoo kale labada dhinac ay ku heshiiyeen in lacagaha lagu bixiyo “hannaanka lacagaha dalalka saaxiibka ah”.

Wasiirka Tamarta ee Ruushka Nikolay Shulginov oo booqasho ku jooga Pakistan ayaa arrintan ku dhawaaqay, xilli uu shir jaraa’id ku qabtay Islamabad, ka dib kulano uu la yeeshay dhiggiisa Pakistan.

Masuuliyiinta labada dhinac ayaa ka wada qayb galay guddi sannadle ah oo ka dhexeeya labada dawladood kaas oo dusha kala socda heshiisyada ganacsiga iyo dhaqaalaha ee labada dal.

“Waxaan hore u go’aansannay inaan diyaarino heshiis lagu xallinayo dhammaan arrimaha naga dhexeeya gaar ahaan dhinacyada gaadiidka, caymiska, lacag-bixinta iyo qiimaha. Arrimahani waxay ku jiraan heerkii ugu dambeeyay ee heshiiska,” ayuu yidhi Shulginov.

“Waxaan hore u dejinay wakhtiga heshiiskan oo ah dhammaadka bisha March,” ayuu raaciyay wasiirka Ruushku, isagoo intaas ku daray. “Waxaan ku heshiinnay in lacagaha lagu bixiyo lacagaha dalalka aan saaxiibka nahay,” hase ahaatee arrintaas wax tafaasiil ah kama bixinin.

Shidaalka iyo tamarta kale ayaa ah qaybaha ugu badan ee dalka Pakistan uu debedda ka soo dhoofsado, waxaana haatan dalkaas haysta xasilooni darro dhinaca maaliyadda ah. Kaydka lacagaha qalaad ee dalka Pakistan ayaa hoos u dhacay illaa $4.6 billion.

Pakistan ayaa sidoo kale awoodi wayday inay gaasta dareeraha ah ee cuntada lagu karsado ama LNG ay ka soo iibsato suuqyada caalamiga ah, sababo la xidhiidha qiimaha oo xadka ka baxsan.

Pakistan dhaqan ahaan, may ahayn dalalka soo iibsada saliidda Ruushka, waxaana inta badan saliida iyo shidaalka ay isticmaasho uu uga yimaaddaa dalalka Sucuudiga iyo Imaaraadka Carabta.

Wasiirka saliida ee Pakistan, Musadik Malik, oo ay soo xiganayeen warbaahinta Ruushka iyo kuwa maxalliga ah Jimcihii, ayaa sheegay in dalkiisu uu sannadkii soo iibsado qiyaastii 70 milyan oo foosto oo saliid qaydhin ah, uuna jeclaan lahaa inuu 35% ka keeno Ruushka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this