Sign in to follow this  
Deeq A.

Erdogan Oo Dhex-dhexaadinaya Ruushka Iyo Ukraine

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Turkiga Tayyib Erdogan ayaa ku celiyay dalabkii uu ku doonayay inuu ku dhex-dhexaadiyo Ruushka iyo Ukraine mar uu taleefoon kula xidhiidhay madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskiy Jimcihii, sida ay xaqiijisay madaxtooyada Turkigu.

Erdogan ayaa hore u sheegay inuu diyaar u yahay inuu isku keeno Putin iyo Zelenskiy.

Turkiga ayaa sidoo kale sannadkii hore martigeliyay wahadalladii dhoofinta Qamadaiga oo ay sidoo kale qeyb ka aheyd Qaramada Midoobay.

Sida ay sheegtay madaxtooyada Turkey, Erdogan ayaa sidoo kale tacsi u diray dadkii ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay Ukraine Arbacadii.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this