Sign in to follow this  
Deeq A.

Raysal Wasaaraha UK oo la ganaaxay

Recommended Posts

Deeq A.   

Raysal Wasaaraha UK, Rishi Sunak ayaa la ganaaxay kadib markii la sheegay in in aanu xidhan suunka badqabka xilli uu saarnaa baabuur.

Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha  ayaa sheegay in Mr Sunak “uu gebi ahaanba aqbalay khaladkan, raalli gelin ayuu ka bixiyay arrintaas”

Xafiiska wuxuu intaa raaciyay in uu bixin doono ganaaxa.

Dadka rakaabka ah ee la qabto iyagoo aan xidhan suunka badqabka ee UK waxaa uu qofka muteysan karaa 100 lacagta giniga ah.

Halka haddii qofka la geeyo maxkamad lagu ganaaxi karo 500 oo lacagta giniga Ingiriiska ah.

Muuqaalka laga duubayay Ra’iisal Wasaaraha xilligga uu baabuurka saarnaa ayaa lasoo dhigay barta Istagram-ka ee Mr Sunak, wuxuu muuqaalka qeyb ka ahaa mid lagu xayeysiinayay mashruuca dowladdiisa ee ku saabsan shaqo abuurka iyo kobcinta dhaqaalaha, waa markii labaad oo la ganaaxo Ra’iisul Wasaaraha.

Bishii Abriil ee la soo dhaafay, waxaa ganaax lagu soo rogay isaga iyo Boris Johnson iyo xaaskiisa Carrie jabinta kadib markii ay jebiyeen xeerarka ka hortagga Covid-19 – iyagoo ka qeyb galay xaflad dhalasho aheyd oo loogu talagalay Ra’iisul wasaarihii xilligaas ee Downing Street bishii Juun 2020.

128352126_sunakblurred.jpg

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this