Sign in to follow this  
Deeq A.

Koonfur Galbeed oo dagaal ku dishay xubno Shabaab ah kadibna gubtay…

Recommended Posts

Deeq A.   
danab-xoogga-dalka-howlgal.png?fit=675%2

Baydhabo (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa lagu faahfaahiyay dagaal ka dhacay duleedka deegaanka Goofgadudud oo qiyaastii 30 KM u jira magaalada Baydhabo.

Koonfur Galbeed ayaa shaaca ka qaaday in dagaalkaasi ay ku dishay in ka badan 10 ka tirsan Al-Shabaab, kadib weerar ay ku soo qaadeen saldhigga deegankaasi.

Sidoo kale waxay wasaaraddu sheegtay inay gubtay gaadiid dagaal oo ay laheyd kooxda Al-Shabaab, sida ay hadalka u dhigtay.

Qoraalka ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in dagaalkan lagu jebiyay kooxda Al-Shabaab ay iska gaashadeen ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta ee Koonfur Galbeed.

Dhaq-dhaqaaqyadan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan abaabul culus oo ka dhan Al-Shabaab ay waddo Koonfur Galbeed oo kaashaneysa dowladda iyo dadka deegaanka.

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa shaaciyay in ay diyaar garoobeen dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, ayada oo laga duulayo baaqa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in istiraatiijiyad dagaal oo sarreysa ay dajiyeen, isla-markaaana gobollada Shabeelaha Hoose, Baay iyo Bakool looga saarayo Al-Shabaab bil gudaheeda, sida uu hadalka u dhigay madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed.

“Bil ayey Koonfur Galbeed kaga dhammaanayaan Khawaarijta, marka la fiiro qaabka aan u diyaar garownay iyo istaraatiijiyadda hadda la suubiyay ee dagaal, sida hal mar uu howlgalka uga bilaabanaayo saddexda gobolba” ayuu yiri madaxweyne Lafta-gareen.

Si kastaba, Koonfur Galbeed ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab, waxaana inta badan ay kasoo abaabushaa weeraro ka dhaca gudaha dalka.

The post Koonfur Galbeed oo dagaal ku dishay xubno Shabaab ah kadibna gubtay… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this