Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iran oo lagu daray liiska argagixisada

Recommended Posts

Deeq A.   

Baarlamanka Midawga Yurub ayaa si aqlabiyad ah ugu codeeyay in ciidanka Ilaalada kacaanka ee dowladda Iran lagu daro liiska argagixisada.

Baarlamanka Yurub ayaa sidoo kale ugu baaqay guud ahaan Midawga Yurub in ay ballaariyaan liiska cunaqabataynta si ay u saamayso dhammaan shakhsiyaadka iyo xataa qoysaskooda ee u dhashay Iran kuwaas oo ka masuula xadgudubyada xuquuqda aadanaha.

Talaabadan ayaa la qaaday iyada oo looga jawaabayo gacanta adag ee laamaha ammaanka ee Iran ay kula dhaqmeen mudaaharaadyada dawladda ka soo horjeeda iyo xukunno dil ah oo xigay iyo weliba dilka dibad baxayaasha loo geystay.

PUNTLAND POST

The post Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iran oo lagu daray liiska argagixisada appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this