Sign in to follow this  
Deeq A.

Beesha Caalamka oo baaq ka soo saartay khilaafaadka siyaasadeed ee ka jira Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Beesha Caalamka ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada siyaasadda Soomaaliya in wada-hadal lagu xalliyo wixii khilaafaad ah oo jira.

Qoraal xalay ka soo baxay Beesha Caalamka ayaa sidoo kale lagu soo dhaweeyay dadaallada dib u-heshiisiinta Soomaaliya ee muhiimka u ah xaqiijinta xasiloonida dalka ee mudada fog.

Beesha Caalamka ayaa sidoo kale soo dhawaysay geeddi-socodka dib u-eegista dastuurka iyo wadaagga khayraadka dalka sida ku cad qoraalka.

“Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan daneeyeyaasha inay si wax ku ool ah uga qayb qaataan dadaalladan, oo wixii khilaaf ah ee jirana lagu xalliyo wadahadal iyo wadatashi” ayaa lagu yiri qoraalka.

Beesha Caalamka ayaa sheegtay in ay taageerayso arrimaha horu-tebinta u leh dowlad-dhiska Soomaaliya si dalka loo gaarsiiyo nabad iyo barwaaqo.

PUNTLAND POST

The post Beesha Caalamka oo baaq ka soo saartay khilaafaadka siyaasadeed ee ka jira Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this