Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Somalia oo xaqiijisay in Sarkaal sare & Tiro Askara lagaga dilay Dagaal Maanta dhacay

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Somalia oo xaqiijisay in Sarkaal sare & Tiro Askara lagaga dilay Dagaal Maanta dhacay

Saaka weerar ay Alshabaab ku qaadeen saldhig ciidanka Soomaaliya ee degmada Galcad ee gobolka Galgaduud ee badhtamaha Soomaaliya, ayaa waxaa ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Sida warbaahinta dowladda Soomaaliya ay sheegtay, weerarka ayaa waxaa kaga dhintay dhanka dowladda 7 askari, oo uu ku jiro sarkaal sare.

Dowladda ayaa sheegtay in dhanka Alshabaab ay ka dishay tiro badan oo dagaal yahanadooda ah.Deegaankan ayey ciidamada dowlada Soomaaliya dhawaan kala wareegeen Alshabaab.

Sidoo kale, dowladda ayaa tilmaantay in gawaadhi dagaal oo ay horey uga qabsadeen Alshabaab, in haatan ay dib usoo ceshadeen.

Dhanka kale, Alshabaab, ayaa iyaguna sheegtay iney ku dileen dagaalkii saaka ka dhacay Galcad, askar badan oo katirsan dowladda Soomaaliya.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this