Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa lagu ansxiyey shirkii golaha wasiirada? + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
326456739_2231405760398811_4640183826473

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maamnta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay gudaha magaalada Muqdisho ayaa meel-mariyay heshiis cusub oo ay gashay Soomaaliya iyo Hindise Sharciyeed kale oo muhiim ah.

Shirkan oo ay intooda badan goobjoog ahaayeen xubnaha Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa guddoomiyey ku simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac.

Ugu horreyn Golaha Wasiirada ayaa shirkooda ku ansixiyay Hindise Sharciyeedka dhowrista maal-gashatada iyo maal-gashiga, kaas oo ah mid muhiim ah.

Sidoo kale kale Golaha ayaa maanta meel mariyey heshiis gaar ah oo u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Masar, kaas oo is af-garad ku aadan iskaashiga Tiknoolajiyada iyo Boostada ee ay dhawaan wada gaareen labada dal.

Heshiiskan ayaa qayb wayn ka qaadan doono dib u dhiska hay’adaha iyo kaabayaasha dhaqaalaha, siday ay shaacisay Xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Inta uu shirka socday waxaa sidoo kale warbixin guud looga dhageystay Wasaaradaha Amniga iyo Gaashaandhigga oo golaha la wadaagay howlgalladii u dambeeyay ee dhacay.

Labada wasaaradood ayaa Golaha ka sheegay in howlgalladii ugu dambeeyay ee xoreynta laga gaaray guullo waa weyn, isla-markaana la qabtay magaalooyin horleh.

Xubnaha Golaha Wasiirada ayaa dhankooda boggaadiyey guulaha isdaba joogaa ee laga gaaray howlgallada xoreynta ee ka socda qaar kamid ah gobollada dalka.

Ugu dambeyn Wasaaradaha Gaashaandhigga iyo Deegaanka iyo Isbeddalka Cimilada ayaa golaha u qaybiyey siyaasadda qaran ee maaraynta deegaanka, hindise sharciyeedka maaraynta deegaanka iyo heshiiska aasaasidda ciidamada heeganka ee Bariga Afrika.

326456739_2231405760398811_4640183826473 bEENE-BEENE.jpg?resize=696%2C464&ssl=1 326295561_3487406908146258_3887176074531 326335839_1854859648207707_1236354250316 326389413_530380249183789_38490482049511 326429855_5813290665426118_7873287445712 326430632_1569212480245360_5010693132678

The post Maxaa lagu ansxiyey shirkii golaha wasiirada? + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this