Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan Qowdhan oo eedeyn u jeediyay mas’uuliyiin ka tirsan goleyaasha dowladda

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16741284199164701.jpg?resize=720%

Xildhibaan Cabdi Qowdhan oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa mas’uuliyiin ka tirsan goleyaasha dowladda oo uusan magac dhaban ku eedeeyay in ay ka shaqaynayaan falal lid ku ah amniga iyo midnimada qaranka Soomaaliyeed.

Xildhibaan Qowdhan ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook ku yiri “macquul maaha in goleyaasha qaranka Soomaaliyeed ay noqdaan goob lagala dagaalamo midnimada iyo wadajirka Soomaaliyeed iyo Amniga dalka. Waa khiyaamo qaran, mas’uuliyiinta falkaas ku foogani haka waantoobeen ama ha isaga tagaan xilalka ay u dhaarteen ee Soomaaliya ka hayaan”.

Cabdi Qowdhan Warsamse oo ka mid ah Golaha Shacabka ayaa ah mudane laga soo doortay gobolka Sool.

PUNTLAND POST

The post Xildhibaan Qowdhan oo eedeyn u jeediyay mas’uuliyiin ka tirsan goleyaasha dowladda appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this