Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Wasiirada Soomaaliya oo meelmariyay hindise sharciyeedka dhawrista maal-gashadatada iyo maal-gashiga

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16741298368338462.jpg?resize=720%

Kulan ay maanta yeesheen Golaha Wasiirada Soomaaliya oo shir guddoomiyey ku simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Saalax Axmed Jaamac ayaa lagu ansixiyey hindise sharciyeedka dhawrista maal-gashadatada iyo maal-gashiga.

Golaha Wasiiradda ayaa sidoo kale meel mariyey heshiiska is af-garad ee iskaashiga Tiknoolajiyadda iyo Boostada ee dhawaan ay wada gaareen Dowladaha Soomaaliya iyo Masar, kaas oo la sheegay in uu qayb wayn ka qaadan doono dib u dhiska hay’adaha iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

Dhinaca kale wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga ayaa golaha warbixin ka siiyey xaaladihii ugu danbeeyey ee amniga iyo howlgallada la dagaalanka Al-shabaab, waxaana Goluhu boggaadiyeen howlgalladii ee maalmihii ugu dambeeyay ka dhacay qaar ka mid ah gobollada dalka.

Wasaaradaha Gaashaandhigga iyo Deegaanka iyo Isbeddalka Cimilada ayaa iyaguna golaha Wasiiradda u qaybiyey siyaasadda qaran ee maaraynta deegaanka, hindise sharciyeedka maaraynta deegaanka iyo heshiiska aasaasidda ciidamada heeganka ee Bariga Afrika.

PUNTLAND POST

The post Golaha Wasiirada Soomaaliya oo meelmariyay hindise sharciyeedka dhawrista maal-gashadatada iyo maal-gashiga appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this