Sign in to follow this  
Deeq A.

Wiil Uu Dhalay Madaxweyne Afrikaan Ah Oo La Xidhay Kadib Markii Uu Iibsaday Diyaarad Qaranku Leeyahay

Recommended Posts

Deeq A.   

Wiil uu dhalay madaxweynaha dalka Equatorial Guinea ayaa la xidhay kadib markii looga shakiyay in uu si sharci darro ah u iibsaday diyaarad ay leedahay shirkadda diyaaradaha qaranka.

Warbaahinta dowladda ayaa ku warrantay in Ruslan Obiang Nsue lagu tuhmay in diyaarad qaadda 74 qof uu ka iibsaday shirkad laga leeyahay jasiiradaha Canary.

Baadhitaan ayaa la sameeyay sannadkii lasoo dhaafay markii la waayay diyaaradda xilli dayactir joogta ah looga sameynayay dalka Spain.

Eedeysanahan ayaa maamuli jiray shirkadda duulimaadka qaranka ee Equatorial Guinea, oo ah dal si adag ugu jira gacanta qoyska madaxweyne Obiang Nguema oo talladad hayay 43 sanno.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this