Sign in to follow this  
Deeq A.

Shir looga hadlay deyn cafinta Soomaaliya oo ku soo gabagabeeyay Nairobi

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16741233539120654.jpg?resize=720%



Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Cilmi Maxamuud Nuur ayaa maanta soo xiray shir muddo toddobaad ah uga socday magaalada Nairobi qaar kamid ah hay’adaha dowladda, hay’adda lacagta Adduuunka iyo Bangiga Adduunka.

Shirkaan ayaa muddadii uu socday waxaa diiradda lagu saaray dhammaan wixii ka qabsoomay fulinta shuruudaha deyn cafinta oo qodobka ugu muhiimsan uu yahay dib-u-habeynta maaliyadda iyo ku dhaqmidda shuruucda. Sidoo kale waxaa laga wada hadlay sidii wadajir looga wada shaqeyn lahaa garaaridda natiijada barta loo yaqaano ‘kama-dambeynta deyn-cafinta’ taas oo la rajeynayo in la gaaro dabayaaqada sanadkaan aan ku jirno ee 2023-ka.

Waxaa shirkaan ka soo qeybgalay hay’adaha kala ah Wasaaradda Maaliyadda oo hoggaanka shirka ah, Wasaaradda Qorsheynta Qaranka, Wasaaradda Badroolka, Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, Xafiiska Madaxweynaha iyo Xafiiska Ra’isul Wasaaraha.

PUNTLAND POST

The post Shir looga hadlay deyn cafinta Soomaaliya oo ku soo gabagabeeyay Nairobi appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this