Sign in to follow this  
Deeq A.

Ruushka oo sheegay in uusan weli helin cid u soo bandhigta xal Nabadeed

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka arrimaha dibadda Ruushka  Sergei Lavrov ayaa sheegay in aanay weli reer galbeedka aysan ula imaan xal nabadeed oo dan u ah dunida.

Lavrov ayaa u sheegay warfidiyeenka in qorsha cad oo nabad ah aysan ka laheyn reer galbeedka dagaalka Ukraine iyo Moscow.

Madaxweynaha Ukraine Volodmyr Zelenesky, ayuu ku eedeyay in qorshaha iyo wadahadalka uu rabo aysan ahayn wax Ruushka uu aqbali karo, balse ay diyaar u yihiin wadahadal nabadeed oo ka yimaado reer galbeedka.

Washington ayuu sheegay in ay qorshaheed Kyiv ay ku hungoowday balse uu ugu baaqayo iyada iyo NATO in ay dib uga laabtaan qorshahooda Militeri ee ay ka fulinayaan Ukraine.

Wasiir Sergei Lavrov ayaa sheegay in haddii ay NATO ku biiraan sweden iyo Finland ay Moscow qaadeyso taallabo cawaaqibteeda aan la mahdin.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this