Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Lafta-gareen oo shaaciyay in bil gudaheed ay Shabaab uga saarayaan K/Galbeed

Recommended Posts

Deeq A.   
Lafta-gareen-1.jpeg?fit=2048%2C1364&ssl=

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) oo u warramay Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ee SNTV ayaa ka hadlay wejiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah kooxda Shabaab ee ka bilaabaya gobollada Shabeelaha Hoose, Baay iyo Bakool.

Lafta-gareen ayaa shaaca ka qaaday in ay diyaar garoobeen dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, ayada oo laga duulayo baaqa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

“Annaga Koonfur Galbeed ahaan mar hore ayaan abaabul galnay markii ugu horreysay ee uu madaxweynaha ku baaqay in Khawaarijta Shabaab meel kasta oo ay joogto dowlad iyo shacab loo istaago in lala dagaalamo,” ayuu wareysigan ku yiri madaxweyne Cabdicasiis.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in istiraatiijiyad dagaal oo sarreysa ay dajiyeen, isla-markaaana gobollada Shabeelaha Hoose, Baay iyo Bakool looga saarayo Al-Shabaab bil gudaheeda, sida uu hadalka u dhigay madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed.

“Bil ayey Koonfur Galbeed kaga dhammaanayaan Khawaarijta, marka la fiiro qaabka aan u diyaar garownay iyo istaraatiijiyadda hadda la suubiyay ee dagaal, sida hal mar uu howlgalka uga bilaabanaayo saddexda gobolba” ayuu yiri madaxweyne Lafta-gareen.

Dhanka kale wuxuu hoosta ka xariiqay in duulaanka cusub ee ka bilaabay Koonfur Galbeed ay ka qayb qaadan doonaan dadka deegaanka, oo uu sheegay in la abaabulay.

“Abaabul badan ayaan sameynay bulshada ayaan ku wacyi-gelinay ciidamo cusub ayaa diyaarinay iyo goobihii ay ku howlgali lahaayeen,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Madaxweynaha oo sii hadlayey ayaa hoosta ka xariiqay in Al-Shabaab ay heystaan ugu yaraan 4 degmo, sidoo kalea ay go’doon dhan kasta ah galiyeen magaalooyinka kale.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, ayada oo todobaadkan uun madaxweynaha Soomaaliya uu shaaca ka qaaday in wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab uu ka bilaabanayo deegaanada Koonfur Galbeed oo kamida meelaha ay ku xoogan tahay kooxda si looga xoreeyo halkaas.

The post Daawo: Lafta-gareen oo shaaciyay in bil gudaheed ay Shabaab uga saarayaan K/Galbeed appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this