Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirkii Arrimaha Gudaha Ukraine Iyo Ku Xigeenkiisii Oo Ku Dhintay Shil Diyaaradeed

Recommended Posts

Deeq A.   

17 qof, oo ay ku jiraan wasiirkii arrimaha gudaha ee Ukraine iyo laba carruur ah ayaa ku dhintay Diyaarad Helicopter ah oo ku dhacday deegaanka Kyiv, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Ukraine.

Wasiirka arrimaha gudaha Denys Monastyrskyi, ku xigeenkiisa Yevhen Yenin iyo xoghayihii gobolka ee wasaaradda arrimaha gudaha Yurii Lubkovych ayaa ka mid ahaa dadka ku dhintay shilkan, sida uu sheegay Ihor Klymenko, madaxa booliska qaranka ee Ukraine.

Sagaal ka mid ah dadka dhintay ayaa la socday diyaaradii helicopter-ka ee ku burburtay Brovary, oo ah xaafad bari ka xigta caasimadda Ukraine, sida uu sheegay Klymenko.

Sidoo kale shilkan diyaaradeed 22 qof ayaa ku dhaawacmay oo ay ku jiraan 10 carruur ah.

Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ku saabsan in shilkaasi uu ahaa shil iyo in uu ka dhashay dagaalka Ruushka ee socda ku dhawaad11-ka bilood.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this