Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan Sheekh: Dadka reer Koonfur-galbeed waxaan rabnaa in ay isla fariistaan oo mushkiladahooda xallistaan

Recommended Posts

Deeq A.   
Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo furay Shirka Dib u heshiisiinta Koonfur-galbeed ayaa ku adkeeyey madaxda, waxgaradka iyo haldoorka reer Koonfur-galbeed in ay ilaashaadaan dowladnimada, nabadda iyo wadajirka heer dowlad-goboleed.
Madaxweynaha ayaa xusay in dadka Soomaaliyeed ay ka daaleen colaad sokeeye, iyadoo wixii soo dhacayey 30kii sano ee la soo dhaafay ay inoo yihiin cashar ina ku jiheynaya horumarka iyo nabadda, maanta halka cadoow ee aynu leenahay uu yahay argagixisada Alshabaab, la dagaallankooduna uu yahay kan kaliya ee inoo furan.
“Dadka reer Koonfur-galbeed, hoggaankooda siyaasadeed, mucaarad ha ahaadaan ama muxaafad, odeyaashooda dhaqanka, dhallinyarada iyo dhammaan qeybaha bulshada rayidka ah, waxaan rabnaa in ay isla fariistaan oo mushkiladahooda xallistaan.”
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo bandhigay in uu ku kalsoon yahay miro-dhalka wada-hadalladan maanta ka furmay Baydhabo iyo sida ay uga go’an tahay dhammaan reer Koonfur-galbeed in ay xalliyaan tabashooyinka siyaasadeed ee ay isu qabaan, si ay u dardar geliyaan xoreynta deegaannada ay argagixisadu ku dhibaateynayso dadka Soomaaliyeed.
“Hal cadow ayaan leenahay waana argagixisada Alshabaab. Dowladdu waxay sameysay qorshe dalka lagaga xoreynayo, wajigii koowaad ayaa hadda gabo-gabo ah, wajiga Labaadna waxaa ugu horreysa Koonfur-galbeed.”
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay dhammaan dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku jira fikirka gurracan ee argagixisanimada in ay ka soo laabtaan, isagoo cafis u fidiyey mid kasta oo ka mid ah oo u soo laabta dadkiisa iyo dalkiisa, dowladduna ay diyaarisay qorshe dhaqancelin iyo nolol wanaagsan looga sameynayo dhallinyarada ay khaldeen argagixisadu.
325674593_694916988806578_91433166376480
326171177_482314913871094_47899223554302
326063531_526152199612527_61738577665158
326126372_700516684902422_71871951852191
326067988_697912965315020_38882937658165
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this