Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Laba WASIIR oo sare iyo 15 qof oo kale oo shil diyaaradeed ku geeriyooday

Recommended Posts

Deeq A.   

Kyiv (Caasimada Online) – Diyaarad Helicopter ah oo ku dhacday deegaanka Kyiv ayaa dishay 17 qof, oo ay ku jiraan wasiirkii arrimaha gudaha ee Ukraine iyo labo carruur ah, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Ukraine.

Wasiirka arrimaha gudaha Denys Monastyrskyi, ku xigeenkiisa Yevhen Yenin iyo xoghayihii gobolka ee wasaaradda arrimaha gudaha Yurii Lubkovych ayaa ka mid ahaa dadka ku dhintay shilkan, sida uu sheegay Ihor Klymenko, madaxa booliska qaranka ee Ukraine.

Sagaal ka mid ah dadka dhintay ayaa la socday diyaaradii helicopter-ka ee ku burburtay Brovary, oo ah xaafad bari ka xigta caasimadda Ukraine, sida uu sheegay Klymenko.

Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ku saabsan in shilkaasi uu ahaa shil iyo in uu ka dhashay dagaalka Ruushka ee socda ku dhawaad 11-ka bilood.

22 qof ayaa sidoo kale ku dhaawacmay oo ay ku jiraan 10 carruur ah.

Dhacdo tan lamid ah ayaa sidoo kale todobaadkan ka dhacday dalka Nepal, kadib markii diyaarad ay saarnaayeen illaa 72 qof ay ku burburtay meel u dhaw garoon diyaaradeed oo ku yaalla bartamaha dalkaas, waxaana ku dhintay 68 qof, ayada oo la waayey 4 kal.

Diyaaraddaas Yeti Airlines ayaa kasoo duushay magaalada Kathmandu, waxay ku wajahneyd magaalada dalxiiska ah ee Pokhara.

Diyaaradda ayaa burburtay xilli ay dageysay isla markaana dab ayaa qabsaday.

325967364_1193682554606418_5920472167286 325677072_497475048975125_11111707414691 325586015_733058691522607_61495927950164 326224039_734038421617920_64516094606172 800f0000-c0a8-0242-9df8-08daf9328ad4_w10

The post Sawirro: Laba WASIIR oo sare iyo 15 qof oo kale oo shil diyaaradeed ku geeriyooday appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this