Sign in to follow this  
Xoogsade

Gaari Uraal ah oo Maqribnimadii lagu gubay agagaarka Ceelasha Biyaha

Recommended Posts

Xoogsade   

Gaari Uraal ah oo Maqribnimadii lagu gubay agagaarka Ceelasha Biyaha

Beerdhiga 17.01.2008 19:06

 

Gaari Uraal ah oo ka mid ahaa kolonyo ay wateen ciidamada gumaysiga Itoobiya ayaa Mujaahidiintu Soomaaliyeed ay qarax nooca miinoda lahago ah la heleen xilli ay marayeen kolonyada Itobiyanka ahu inta u dhaxaysa Ceelasha Biyaha iyo Calamada ee duleedka Magaalada Muqdisho.

 

Gaarigan ayaa waxaa saarna askar ka mid ah kuwa gumaysiga Itoobiya waxayna dad goob joog ah xaqiijiyeen in gaarigii uu gabi ahaanba gubtay ayada oo ciidamadi saarnaa ay noqdeen wax dhinta iyo wax dhaawacma.

 

Kolonyadan ayaa la sheegay in ay ka timid dhanka Gobolka Baay waxayna ku soo jeedeen caasimadda Muqdisho, ayaga oo rasaas fara badan furay kadib markii uu qaraxu dhacay.

 

Shalay ayay ahayd markii ciidamda Mujaahidiintu ay miino ku qarxiyeen gaari Uraal ah oo ay saarnaayeen ciidamo Itoobiyaan ah kaas oo ay ku baaba’een ciidamadii gumaysiga oo saarnaa waxuuna qaraxanu noqonaya midkii labaad oo dhaca mudo labo maalmood oo isku xigta.

 

Guutooyinka Mujaahidinta Soomaaliyeed ayaa daqiiqad walba u taagan ugaarsiga ciidamada gumaysiga Itoobiya waxayna maanta dagaal ba’an lagaleen ciidamada gumaysiga oo ku soo faafay jidka 30ka laga soo bilaabo cali kamiin ilaa Albaraka waxaana mujaahidiinta u suurta gashay in ay dib u riixaan ciidamada gumaysiga kuwaas oo bilaabay duqayn foolxun oo ay ku garaaceen Suuqa way nee Bakaaraha iyo hareerihiisa taas oo sababtay dhimashada iyo dhaawaca dad badan oo rayid ah.

 

 

www.Beerdhiga.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this