Sign in to follow this  
General Duke

Djibouti: NRC Ali Mahdi to meet opposition groups diplomacy is a beautiful thing

Recommended Posts

calimahdi1.jpgC/Mahdi Oo Sheegay In Jabuuti Kula Kulmayaan Mucaaradka Asmara

 

Muqdisho(Calanka.com) 03-Augosto-2007

 

Gudoomiyaha shirka dib u heshiisiinta qaranka mudane Cali Mahdi Maxamed ayaa ka dhawaajiyay in gudigiisu ey kulan ku wada qaadan doonaan dalka Jabuuti xubnaha mucaaradka ee ku sugan magaalada Asmara ee dalka Eritrea.

 

Wareysigan oo uu siiyay gudoomiyaha idaaacadda VOA laanteeda afka-somaliga ayaa waxa uu ku sheegay in kulankan ey kasoo shaqeeyeen rag u dhuundaloola arimaha dib u heshiisiinta Somaliya, isagoo ka gaabsaday in uu carabka ku dhifto cida sida rasmiga ah uga danbeysa.

 

Mudane Cali Mahdi ayaa sheegay in loo kala dab qaadayo iyaga iyo xubnaha mucaaradka oo eynan laheyn wax xiriir toos ah, wuxuuna intaa raaciyay in markii ey aqbaleen Mucaaradka in ey kulan ku wada yeeshaan Jabuuti uu ka dalbaday liiska xubnaha mucaaradka oo Asmara jooga ee kasoo qeyb galaya kulanka.

 

Dhanka kale waxaa isna mar wax laga weydiiyay arinkan gudoomiyihii hore ee barlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay in uusan arinkan ka warhaynin eyna soo dhaweynayaan waxkasta oo Somali xal loogu raadinayo, wuxuuna intaa ku daray in Cali Mahdi uu u shaqeeyo C/laahi Yuusuf isla markaana uusan isaga wax kulan ah uusan la furi karin xubnaha mucaaradka.

 

 

Calanka.com: - Isha wararka xaqiiqda

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maxaa ka jira in shirka loo wareejinayo Jabuti?

3 Aug 3, 2007 - 6:29:28 PM

 

Shirka dib- u heshiisiinta uga socda belaha Somalida magalada Muqdisho ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in shirkaan loo wareejin doono wadanka Jabuti si ay uga qayb galaan xubnaha mucaraadka ah ee isugu jira Maxaakiimta iyo Barlamankii hore kuwaas oo ku sugan wadanka Eriterea.

 

Gudoomiyaha shirka dib u heshiisiinta Cali Mahdi oo wax laga waydiiyay waxa ka jira wararka soo baxaya ayaa diidey in shirka la wareejinayo balse qirey in uu jiro kulan ku dhexmaryaa mucaaradka iyo dowlada Federaalka wadanka Jabuuti.

 

 

Cali Mahdi ayaa sheegey in kooxaha mucraadka ah ay codsadeen in ay la kulmaan guddiga shirka dib- u heshiisiinta ayna ka jawabayan codsigaas.

 

Cali Mahdi ayaa shegey in xiriirka ay sameyeen dad u dhuun daloola mucaradka isaga oo ku adkeystey in shirkaan aan la wareejin doono.

 

Dhinaca kale Gudoomiyihii hore ee Barlamanka Federaalka Shariif Xasan ayaa mar wax laga waydiiyay wararka shegaya in ay la kulmayan Gudiga shirka dib-u heshisiinta ayaa sheegey in uusan wax kala socon arinkaas balse aan meesha ka saarin in dhexdhexadin dhici kartro.

 

Shariif Xasan ayaa diidey wadahadalkaas u hogaamiyo Cali Mahdi isaga oo xusey waa sida uu hadlaka u dhigaye in uu yahay nin Cabdulahi soo xushey oo aan xor aheyn.

 

Wadahadalka hoose ee u socda mucraadka Asmara iyo DFKMG ah ayaa waxaa wada ururka midowga Yurub, Jabuuti iyo madaxa QM u qaabilsan arrimaha Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this