Sign in to follow this  
Deeq A.

Diiwaanka Martida booqatay Guriga Madaxweyne Joe Biden oo la waayay

Recommended Posts

Deeq A.   

Xafiiska la taliyaha sharciga ee Aqalka Cad ee dalka Maraykanka ayaa sheegay Isniintii inaanu jirin wax ku saabsan ‘diiwaanka martida’ oo yaalla guriga madaxweyne Joe Biden ee ku yaalla gobolka uu ka soo jeedo ee Delaware.

Arrintan ayaa daba socotay, ka dib markii uu mudane ka tirsan xisbiga Jamhuurigu uu codsaday in lala wadaago diiwaanka martida booqatay guriga Madaxweyne Joe Biden ee ku yaalla Delaware, halkaas oo laga helay waraaqo sir ahaa oo dawladdu lahayd.

Axaddii ayaa xafiiska James Comer oo ah guddoomiyaha cusub ee guddida kormeerka ee Aqalka Wakiillada Maraykanku, wuxuu ka codsaday Ron Klain oo ah madaxa shaqaalaha ee Aqalka Cad inuu macluumaad ka siiyo, ku saabsan baadhitaankii lagu sameeyey waraaqihii sirta ahaa ee laga helay xafiiska Biden ee ku yaalla magaalada Washington iyo weliba gurigiisa Delaware.

Xubnaha cusub ee Jamhuuriga ee la wareegay aqalka wakiillada ayaa haatan dalbanaya macluumaad dheeri ah oo ku saabsan cidda heli kartay macluumaadka sirta ah ee laga helay guriga Biden, tan iyo markii xafiiska ka degey sannadkii 2017.

PUNTLAND POST

The post Diiwaanka Martida booqatay Guriga Madaxweyne Joe Biden oo la waayay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this