Sign in to follow this  
Deeq A.

Garaad Jaamac Garaad Cali oo xaqiijiyay in uu tegayo Laascaanood

Recommended Posts

Deeq A.   

Garaadka guud ee Gobollada SSC Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa si rasmi ah u xaqiijiyay in uu tegayo magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.

Garaad Jaamac oo si kooban xalay warbaahinta ula hadlay ayaa sheegay in uu tegayo magaalada Laascaanood halkaas oo uu ka socdo Kacdoonka beelaha SSC ee ka dhan ka ah Somaliland.

Garaadka ayaa sheegay in uu ku biirayo Shirka looga tashanayo Masiirka Gobollada SSC ee ka socda Laascaanood waxaana uu bogaadiyay Kacdoonka SSC oo uu ku tilmaamay mid guulaystay.

Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa dhinaca kale Ciidamada Somaliland uga digay in aysan carqalad ku samayn Shirka beelaha SSC ee ka socda Laascaanood.

PUNTLAND POST

The post Garaad Jaamac Garaad Cali oo xaqiijiyay in uu tegayo Laascaanood appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this