Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo weerar ismiidaamin ah ku dhishay Taliyihii Guutada 3-aad iyo askar badan

Recommended Posts

Deeq A.   

Balcad (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar ku billowday qaraxyo oo ay saaka xoogaga Al-Shabaab ku qaadeen saldhig ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay ku leeyihiin deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in illaa saddex qarax oo loo adeegsaday baabuur laga soo buuxiyay walxaha qarax ay Al-Shabaab ku weerareen saldhigga ciidamada huwanta.

Wararka ayaa sheegaya in weerarka kadib uu xigay dagaal foolka fool ah, kaas oo u dhexeeyay xubnaha weerarka qaaday iyo ciidamada ku sugnaa saldhigga la weeraray.

Khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay weerarkan, waxaana haatan xaalad kacsanaan ah laga dareemayaa duleedka degmada Balcad.

Saraakiisha lasoo wariyey in ay ku dhinteen qaraxyadaasi ayaa waxaa ka mid ah Taliyihii Guutada 3-aad, Qaybta 27-aad ee Milatariga Soomaaliya Korneel Abshir Maxamuud Maxamed (Shataqey) iyo askar kale oo ku sugneyd saldhigga.

Weli ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay labada dhinac oo ku aadan weerarkaasi lagu ekeeyay saldhigga deegaabka Xawaadley.

Wixii soo kordha kala soco: caasimada.net

The post Al-Shabaab oo weerar ismiidaamin ah ku dhishay Taliyihii Guutada 3-aad iyo askar badan appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this