Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Xasan oo gaaray Baydhaba iyo Villa Somalia oo shaacisay qorshaha safarkiisa

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta ku-meel-gaarka ah ee dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ayaa ka qeyb-galaya shirka wada-tashiga iyo dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed, oo lagu wado in maalinta berri ah uu si rasmi ah uga furmo magaalada Baydhabo.

Qoraal kasoo baxay Villa Somalia ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in madaxweynaha u tagay Baydhabo xaqiijinta Koonfur Galbeed heshiis ah, taasi oo ka dhigan in shirka berri xal kama dambeys ah looga gaari doono xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatay muddo kororsiga Lafta-gareen.

Madaxweynaha ayaa dhankiisa bogaadiyay gogashan oo uu fidiyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), si loo xaqiijiyo Koonfur Galbeed heshiis ah, loona xoojiyo midnimada iyo wadajirka dadka deegaanka.

Xasan Sheekh ayaa inta uu ku sugan yahay Koonfur Galbeed waxa uu xooga saari doonaa sidii loo dardar-gelin lahaa xoreynta deegaanada maamulkaasi, ee wali ay argagixisadu ku dhibaateeyaan dadkeenna, kana soo maleegayaan gumaadka iyo amni darrada.

Amaanka guud ee magaalada Baydhabo ayaa aad loo adkeeyay, ayada oo ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah howl-galka ATMIS ay amniga sugayaan, kadib markii todobaadkii hore lagu wareejiyay dhaq-dhaqaaqa magaalada iyo xarunta shirka.

Sidoo kale waxaa magaalada ku sugan guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Madoobe oo shalay kormeeray xarunta shirarka iyo meelaha ay dagayaan martida.

Sheekh Aadan Madoobe oo isagu dhigay gogosha shirka ayaa maalmihii u dambeeyay ku sugnaa caasimada KMG ah ee Koonfur Galbeed, si uu u diyaaro shirkaasi.

Koonfur Galbeed ayaa muddo wajaheyso xaalad siyaasadeed oo aad u cakiran, taas oo u dhaxeyso madaxtooyada iyo xubnaha mucaaradka ee fadhigoodu yahay Muqdisho, waxayna xiisaddu kasii dartay kadib gacan ka hadal ka dhashay muddo kororsiga Lafta-gareen.
Xasan-Laftagareen.jpeg?resize=696%2C464& 326067889_645696947354197_88809889853317 Xasan-Sheekh-Laftagareen.jpeg?resize=696 Laftagareen-Xasan-Sheekh.jpeg?resize=696 325882907_1489719931438630_3445929294658 326070018_1217825742146197_5735913636408 325900051_898573427847434_88090271750733 321826886_1360867977994813_9201692942364 325730734_1335269903938163_8537706302860 325967104_2028239380705404_7895996694939 325881181_913878609746220_19197759004950 326096516_1174824126386525_4042989026730 325871133_1536634253500287_3905849040322 325851349_1644509989318192_1253002289740 Xasan-2.jpeg?resize=696%2C523&ssl=1 Aadan-Madoobe-.jpeg?resize=696%2C559&ssl Laftagareen-2.jpeg?resize=696%2C475&ssl=

The post Sawirro: Xasan oo gaaray Baydhaba iyo Villa Somalia oo shaacisay qorshaha safarkiisa appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this