osman_nz Posted June 11, 2009 Dowlada Wadanka Talyaaniga oo dib u furanaysa Safaaradeedi Wadanka Soomaaliya. Saraakiil sar sare oo ka tirsan Wadanka Talyaaniga ayaa waxay sheegeen in Xukumada Talyaaniga ay iminka Qorsheynayso in ay dib Wadanka Soomaaliya uga furato Safaarad. Wasaaradda Arimaha Dibada ee Wadanka Talyaaniga waxay arintaas ku micnaysay in ay taageero iyo Dhiira gelin siinayso Dowladda Wadanka Soomaaliya. Waxaana aysan sheegin Wakhtiga ay dib uu furayso Safaaradeeda ee Wadanka Soomaaliya. Warkaan ayaa soo baxay waxyar ka dib marki uu soo dhamaaday Kulanki ka socday Magaaladda Rome ee Wadanka Talyaaniga oo looga hadlaayay Arimaha Wadanka Soomaaliya oo ay ka soo qayb galeen ila iyo 33-Wadan iyo Hay�addo Caalami oo ay ku jirto Qaramada Midoobay. Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee uu qaabilsan arimaha Wadanka Soomaaliya Axmedou-Wald Cabdalla ayaa isna sheegay in ay jiraan Go�aamo oo lagu doonaayo in dib loo furo Safaaradda Wadanka Talyaaniga ee Wadanka Soomaaliya. Waxaana uu sheegay in Fikirkaas Wadanka Talyaaniga isna ku raacay Ururka Midowga Afrika oo iyaduna damacsan in ay Safaarad ka furato Wadanka Soomaaliya. Dowladda Wadanka Talyaaniga ayaa waxay Safaaradi ay ku lahayd Wadanka Soomaaliya albaabada isku dhuuftay marki ay burburtay Dowladdi Dhexe ee Soomaaliya. Isku soo wada duubow Hadii ay Talyaaniga dib uga furato Safaaradeeda Wadanka Soomaaliya,waxay noqon doonta Dowladdi ugu horeysay oo Reer Galbeed oo dib uga furta Wadanka Soomaaliya Safaarad tan iyo marki ay burburtay Dowladi Dhexe Sanadi 1991. Ayuub C/raxmaan Maxamed Daily Puntland-Bosaaso. Source: http://www.dailypunt land.com/pageView.ph p?articleid=1101 Excellent news Italy has decided to open up a new embassy in somalia and to resume diplomatic relation. The African Union has also decided that it's member state will open up embassies and continue with begin diplomatic relations with somalia. Date's of the embassies to be opened will be announced at later date. This will make italy the first western nation to open up an embassy in somalia and establish diplomatic ties. Truly it's excellent news, now let's pray that sharif doesn't stuff up what sharmarke got for somalia in the somalia conference in italy. Excellent job ina sharmarke and keep up the good work and same goes for the cabinet. Quote Share this post Link to post Share on other sites