Sign in to follow this  
Deeq A.

Nin Soomaali ah oo loo qabtay qarax ka dhacay Kaniisad ku taalla Dalka Congo oo ay dad badan ku dhinteen

Recommended Posts

Deeq A.   

Nin Soomaali ah oo loo qabtay qarax ka dhacay Dalka Congo oo ay dad badan ku dhinteen

Nin kasoo jeeda dalka Kenya ayaa la xidhay kadib markii lala xidhiidhiyay qarax bambaano ah oo lala eegtay kaniisad ku taalla magaalada Kasindi ee bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo.

Afhayeen u hadlay militeriga DR Congo ayaa sheegay in qofkaas looga shakiyay weerarka lagu xiray xadka Kasindi saacado uun kadib markii uu qaraxa dhacay.

Dhinaca kale, wargeyska Daily Nation oo soo xiganaya ciidanka la dagaallanka argagixisada ee Kenya ayaa ku warramay in nin 29 jir ah oo lagu magacaabo Cabdirisaaq Mukhtaar Garaad loo qabtay weerarka, ninkan ayaa kasoo jeedaa magaalada Wajeer, sida uu xusay wargeysku.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo, Felix Tshisekedi ayaa cambaareeyay weerarka, wuxuuna wacad ku maray in caddaaladda la horgeyn doono dambiilayaasha.

Ugu yaraan 17 qof ayaa ku dhintay qaraxa halka 30 qof oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this