Sign in to follow this  
Deeq A.

Congo: Soomaali loo qabtay qarax ka dhacay Kaniisad

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada amaanka dalka Congo ayaa xabsiga u taxaabay Cabdirisaaq Mukhtaar Garaad, kaas oo loo haysto in uu ka dambeeyay qarax ka dhacay kaniisad ku taallo magaalada Kasindi ee bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo.

Afhayeen u hadlay militeriga DR Congo ayaa shaaciyay in ninkaan looga shakiyay in uu fuliyay weerar ay dad badan ku dhinteen oo ka dhacay kaniisad ku taadda Kasindi, baaritaanana ay hadda wadaan.

Ninka la qabtay ayaa ah Soomaali-kenyan ku dhashay magaalada Wajeer, waxaana la qabtay kadib saacado weerarka kadib.

Madaxweynaha Congo ayaa sheegay in uu cadaaladda marsiin doono danbiilayaasha, xilli uu ka canbaareynayay weerarka.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this