Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirka dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed oo lagu wado in uu maanta ka furmo Baydhabo

Recommended Posts

Deeq A.   

Shirka dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed oo maalmahan qaban-qaabadiisu socotay ayaa lagu wadaa in uu maanta oo Isniin ah ka furmo magaalada Baydhabo.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiyaha Baarlamanka Aadan Madoobe oo ay mas’uuliyiin kale ayaa la filayaa in ay ka qayb-galaan Shirka.

Shirkan ayaa ujeedkiisu yahay dib-u-heshiisiinta dhinacyada siyaasiyiinta Koonfur Galbeed oo ku muransan mudda kororsiga madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen.

Amniga guud ee magaalada Baydhabo ayaa si weyn loo adkeeyay waxaana hoolka shirka uu ka dhacayo iyo goobaha la dajiyay martida amnigooda sugaya ciidamada ka socda Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka ATMIS.

PUNTLAND POST

The post Shirka dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed oo lagu wado in uu maanta ka furmo Baydhabo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this