Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax ka dhacay gobalka Hiiraan

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaarayo degmada Halgan ee gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in qarax xooggan uu ka dhacay waaberigii hore ee saaka.

Qaraxa oo ahaa mid ismiidaamin ah ayaa lalal beegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, kaas oo lagu weeraray fariisimo ay ciidamada dib u xoreynta gobalka Hiiraan ay ku lahaayeen degmada.

Inta la xaqiijiyay qaraxa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana kamid ah dadka ku geeriyooday qaraxa Talihihii CID -da Saldhigga Booliska Beledweyne Jamaal Axmed Jaamac.

Waxaa sidoo kale burbur ah xooggan uu soo gaaray gooba ganacsi oo ka ag dhaw goobta uu qaraxa ka dhacay iyo hanti kale oo fara badan.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this