Sign in to follow this  
Deeq A.

ATMIS oo jawaab ka bixisay weerar Al-shabaab ka yimid

Recommended Posts

Deeq A.   

Alshabaab ayaa weerar madaafiic ah ku qaaday fariisimo ay ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS ay ku lahaayeen degmada Maxaas ee gobalka Hiiraan.

Weerarka ayaa waxaa ka dhashay khasaaro dhaawac iyo mid maaliyadeed, iyadoo inta la xaqiijiyay hal ruux uu dhaawac soo gaaray, sidoo kalena ay dhismooyin kale oo ay madaafiicda haleeshay uu soo gaaray burbur.

Ciidamada ATMIS ayaa dhankooda kaga jawaabay madaafiic ay ku rideen dhanka al-shabaab, waxaana wararka ay sheegayaan in ciidamada ay fariisimo adag ka sameysteen deegaanno hoostaga degmada Maxaas.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this