Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaanada ka tirsaneyd baarlamaankii Afghanistan oo la toogtay

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada booliiska dalka Afgaanistaan ayaa xaqiijiyay in toogasho lagu dilay mid kamid ah xildhibaannadii hore ee baarlamaanka dalkaas iyo ilaaladeedii, xilli ay ku sugnaayeen hooygeeda.

Xildhibaannada ayaa kamid ah ahayd mas’uuliyiin ku sii nagaaday Kabul kadib markii ay Taliban la wareegtay xukunka 2021-kii.

Mursal Nabizada, oo 32 jir ah, ayaa dhimatay iyo mid kamid ah ilaaladeedii, waxaana sidoo kale la dhaawacay wiil la dhashay iyo askari kamid ahaa ilaaladeeda.

Khalid Zadran oo ah afhayeenka booliiska Kabul ayaa sheegay in ay ciidamada wadaan baaritaanno ku aaddan ciddii falkaan ka dambeysay.

Xildhibaanadii hore ee Mariam Solaimankhil ayaa sheegtay in Nabizada ay ahayd “qof adag , aftahan ah oo u istaagtay waxa ay aaminsan tahay,

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this