Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa kasoo kordhay shirka dib u heshiisiinta KOONFUR GALBEED?

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhaba (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Baydhaba ayaa sheegaya in uu maanta si rasmi ah magaaladaasi uga furmayo shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed oo maalmo dib u dhacay kadib markii uu xoogeystay is jiidjiidka u dhexeeya labada dhinac.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa lagu wadaa inuu daah-furo madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta tegaya Baydhabo, halkaas oo ay shalay gaareen wafdi hordhac u ah safarkiisa oo uu hoggaaminayo agaasinka Villa Somalia.

Qaban-qaabadii ugu dambeysay ee soo dhaweynta madaxweyne Xasan Sheekh ayaa haatan laga dareemayaa Baydhaba, ayada oo loo adkeeyay ammaanka magaaladaasi.

Ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS ayaa amniga sugaya, kadib markii todobaadkii hore lagu wareejiyay dhaq-dhaqaaqa magaalada iyo xarunta shirka.

Sidoo kale waxaa magaalada ku sugan guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Madoobe oo shalay kormeeray xarunta shirarka iyo meelaha ay dagayaan martida.

Sheekh Aadan Madoobe oo isagu dhigay gogosha shirka ayaa maalmihii u dambeeyay ku sugnaa caasimada KMG ah ee Koonfur Galbeed, si uu u diyaaro shirkaasi.

Intiisa badan waxaa shirweynahan oo ay ka qayb-galayaan xubnaha mucaaradka looga hadlayaa xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Koonfur Galbeed, gaar ahaan muranka hareeyay doorashada, kadib markii uu mucaaradka ka horyimid arrinta muddo kordhinta.

Musharaxiinta Mucaaradka ayaa sheegay in Lafta-gareen uusan metelin reer K/ Galbeed, waxayna horay u sheegeen inuu yahay dambiile gacan ku dhiigle ah, sida ay hadalka u dhigeen.

Koonfur Galbeed ayaa muddo wajaheyso xaalad siyaasadeed oo aad u cakiran, taas oo u dhexeyso madaxtooyada & xubnaha mucaaradka ee fadhigoodu yahay Muqdisho, waxayna xiisaddu kasii dartay, kadib gacan ka hadal ka dhashay muddo kororsiga Lafta-gareen.

The post Maxaa kasoo kordhay shirka dib u heshiisiinta KOONFUR GALBEED? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this