General Duke Posted May 12, 2009 Muqdisho:Madaxweyne Shariif oo beeshiisa weydiistay difaac 12. maj 2009 Muqdisho(AllPuntland )-Madaxweyne Shariif madaxweynaha Somalia oo kulamo aan kala joogsi lahayn ka waday xarunta madaxtooyada kuwaas oo ku aadanaa xeeladaha loo badali karo dagaalka maadama laga so saaray fariisimo badan ciidamadii dawlada ayaa xalay waxaa uu la kulmay xildhibaano ay isku heyb yihiin. Madaxweynaha ayaa kulankaan la qaatay xildhibaanada kala ah Muuse Sudi , Cumar finish , Ing:Cadaw , C/laahi Geedi Salaad Cali Jeele iyo saraakil dagaal oo ay ka mid ahaayeen C/laahi Macalin ,muuse gurur iyo Gacma Dule. Madaxweynaha ayaa kala hadlay saraakishaan iyo xildhibaanadaan in ay difaac sameeyan oo ay aruuriyaan ugu yaraan maleeshiyaad maadama dawlada kaabiga loogu hayo xarunta madaxtooyada. Kulanka ayaan laga heyn xog dhameystiran iyo waxyaabaha ay isku raacen laakin waxaa uu ahaa mid albaabada ay xu xirteen. Waa kulankii ugu horeyey ee uu madaxweynaha qaab qabiil u samaeeyo tan iyo marki uu Muqdisho soo gaaray , waxaana kulankaakod ay ku soo aadeysaa xili loo sii itaal sheeganayo dawlada oo mucaaradka ay gacan sareeyaan. Xafiiska wararka Muqdisho AllPuntland Quote Share this post Link to post Share on other sites