Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay qaar kamid ah Safiirada midawga Yurub ee Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  ayaa  Madaxtooyada kula kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Marwo Tina Intelman iyo qaar ka mid ah Danjireyaasha dalalka Midowga Yurub u jooga Soomaaliya, iyagoo uga warbixiyey guulaha laga gaaray dagaalka dalka looga xoreynayo Khawaarijtaa Alshabaab, dhammeystirka Dastuurka, Dimuquraadiyeynta iyo Dayn cafinta.
Madaxweynaha oo Danjireyaasha la wadaagay sida geesinimada leh ee Ciidamada Qaranka oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed ay u xoreeyeen deeganno badan oo ka tirsan Gobollada Shabeellaha Dhexe, Hiiraan, Galguduud iyo Mudug ayaa tilmaamay in halganka dib u xoreynta dalka uu barbar socdo qorshaha dhammeystirka dhismaha hay’adaha muhiimka u ah dowladnimada iyo xaqiijinta himmilooyinka ay muddada dheer ku taamayaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan qorshaha la wareegidda mas’uuliyadda amniga dalka, dhammeystirka Dastuurka, dayn cafinta, xoojinta Dimuquraadiyeynta, Federaaleynta iyo adkaynta dowladnimada.
Dhankooda, Safiirada oo bogaadiyey howlgallada xoreynta deegannada ay ku dhuumaaleysanayaan Khawaarijtu ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka gacan-siinayaan arrimaha hortebinta u leh oo ay ugu horreeyaan la wareegidda amniga guud ee dalka, xoojinta federaaleynta, daadejinta hannaanka dowliga ah, saamaynta Isbaddalka cimmilada iyo Gargaarka Beni-aadannimada.
322992014_587299489894749_34235709247894
325374122_957931498433385_37023292033100
323276453_847437503027963_37751626193272
325781857_847414166551782_15643246597208
325322934_1343873956394372_2349928770489
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this