Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamo qayb ka noqonaya dagaalka ka dhanka ah Shabaab oo lagu soo dhaweeyay gobalka Mudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ayaa gaaray degmada Wisil ee gobalka Mudug, halkaas oo ay uga sii ruuqaansan doonaan deegannada al-shabaab ay ku sugan yihiin ee gobalkaas.

Dadweyne fara badan ayaa ciidamada ku soo dhaweeyay degmada Wisil, waxaana ay sheegen in ay qayb ka noqonayaan dagaalka ka dhanka ah ururka Al-shabaab.

Ciidamada ayaa waxaa hoggaaminayay Xildhibaan Xuseen Culusow iyo Wasiir hore Xuseen Batari iyo Xildhibaano ka tirsan Galmudug.

Soo dhaweynta ciidamada ayaa waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiin uu kamid yahay Wasiirka amniga Galmudug Maxamed Cabdi Gaboobe, xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Galmudug iyo dadweyne fara badan.

1-5.jpg

2-4.jpg

3-3.jpg

4-3.jpg

5.jpg

 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this