Sign in to follow this  
General Duke

Baidoa:Training for thousands of millitia men...

Recommended Posts

Baydhabo oo la filayo inay soo socda soo gaaraan Ciidammo ka kala imaanaya Gobollada dalka Qaarkood

Posted to the Web Apr 29, 14:46

 

 

Baydhabo (PP) - Warar puntlandpost ka soo gaaraya Magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in lagu wado in maalmaha soo socda ay soo gaaraan Baydhabo Ciidammo ka kala socda gobollad dalka Qaarkood.

 

Warkaan oo aan ka helnay qaar ka mid ah madaxda beelaha Digil iyo Mirifle ugu jira dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku sugan Degmada Baydhabo ayaa intaas ku daraya in gobollada cidammadaas ay ka imaanayaan ay ka mid yihiin: Jubbada Hoose, Gedo & Jubbada dhexe, waxaana ciidammadaan lagu wadaa in lagu daro kuwa ku xareysan Xeryaha Daynuunaay iyo Manaas.

 

Wasiirka Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya Ibraahim Maxamed ***** “Ibroos) oo ka mid ah xubnaha Digil iyo Mirifle ee ku mashquulsan inay sugaan ammaanka magaalada Baydhabo isla markaana ay ciidammada ku jira gudaha Magaalada Baydhabo ay ka saaraan ayaa sheegay in ciidammadaan ka imaanaya gobollada la soo xusay ay ka mid noqon doonaan kuwa lagu tababarayo oo noqon doona Ciidammada Qaranka.

 

Gobolka Jubbada Hoose ayaa la sheegay inay ka imaanayaan in ku dhow 1200-askari, sidoo kalena waxaa laga filayaa inay ka yimaadaan gobolka Jubbada Dhexe 900-askari iyo iyadoo sidoo kalena lagu wado in Gobolka Gedo ay ka yimaadaan in ku dhow 600-askri, waxaana ciidammadaan lagu wadaan inay ka mid noqdaan kuwa tababarka uu uga furmayo Xerooyinka Manaas iyo Daynuunaay.

 

Xerada Daynuunaay ayaa waxaa hadda ku jira in ku dhow 900-askri oo laga ururiyay gudaha Magaalada Baydhabo, iyadoo lagu wado in kuwa kale ee laga ururiyo magaalada la geeyo xerada kale ee Manaas oo iyadana lagu wado in tababar lagu siiyo ciidammada la ururinayo.

 

Ciidammadaan ayaa kharashka lagu tababarayo waxaa bixin doona Midowga Yurub iyadoo sidoo kalena dalalka Deeqaha Bixiya iyo Qarammada Midoobayna ay bixin doonaan qaar ka mid ah qarashkaas.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

puntlandpostmog@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Kulan Looga Hadlayay Taageerada DFKG Ah Iyo Dib U Uruurinta Ciidamadii Hore Ee Xooga Soomaaliyeed Iyo Isu Soo Uruurinta Maleeshiyooyinka Ku Sugan G/GEDO Oo Maanta Lagu Soo Afmeeray Deg/Baardheere

 

Kulankan wadatashiga iyo xogwareysiga ku aadan hanaanka dib u askumida ciidamadii hore ee qaranka soomaaliyeed iyo qaabeynta maleeshiyooyinka oo ay ka soo qeybgaleen masuuliyiin, waxgarad iyo saraakiil ka tirsan ciidamada boolista iyo kuwa milatariga ayaa maanta abaarihii 11:00 barqanimo lagu soo gunaanuday xarunta Ex-Shiirkolihii hore ee degmadan Baardheere.

 

Kulankan oo ay soo qaban qaabiyeen madaxda masuuliyiinta maamulka G/GEDO oo uu horkacayay gudoomiyaha Gobolkan Md Xuseen Sh Cabdi ismaaciil iyadoo uu weheliyo taliyaha ciidanka xooga dolwada Federalka Md C/nuur Maxamed Faarax (Ananaati) kaasoo ay ka soo qeybgaleen saraakiil iyo waxgarad kale ayaa waxaa muddadii uu soconayay la iskula soo qaaday dhiraandhirinta tubta jiheynta ciidamada gobolkan GEDO.

 

Furitaanka Kulankan maanta ayaa waxaa hadalo kooban ku soo bandhigay taliyaha ciidamada xooga dowlada federalka ee gobolkan GEDO Md Ananaati oo sheegay muhiimada taageerada dowlada isagoona xusay ahmiyada soo xeerinta malesshiyooyinka iyo taabagelinta diwaan loo sameeyo ciidamadii hore waxaa kaloo uu carabaabay taliyihu in haatan la soo gaaray islamarkaasna looga fadhiyo Guud ahaan Beesha SADE sidii loo soo xera gelin lahaa maleeshiyooyinka si buu yiri loogu biiriyo maleeshiyooyinka taabacsan dolwada ee haatan ku xeraysan xeryaha saldhigyada dowlada ee ku yaala Gobolka Bakool.

 

Waxaa sidoo kale isna goobtaasi hadalo dheer ka soo jeediyay Gudoomiyaha Gobolkan GEDO Md Xusen Sh Cabdi Ismaaciil (Xuseen Fareey) oo ugu horeyntii muujiyay in qorshahooda yahay uruurinta maleeshiyooyinka iyo hub ka qaadistooda isagoo xusay in ay jiri doonaan saldhiglo iyo goobo lagu uruuriyo maleeshiyooyinkaasi sidoo kale Xuseen Fareey ayaa farta ku fiiqay qodobka ah maamul u sameynta Degmooyinka gobolka in ay guda geli doonaan sida ugu dhaqsaha badan. Waxaana uu ugu dambayntii tibaaxay Gudoomiyuhu in dhamaan haqabtirida howlahaasi looga baahanyahay iyo muujinta ifafaalahooda Koowaadba shacbiga G/GEDO taasoo uu yiri waxa ay astaan u noqonaysaa hanashada saldhiga taageerada dowlada.

 

Gabagabadii kulankan maanta oo ahaa mid looga gol lahaa wacyigelinta iyo dib u habeynta dadaalada soo mirkicinta rajada laday ee ay shacbiga Gobolkani u hayaan dowlada iyo aas aaska xudunta bilowga ah ee ciidamada Gobolkan GEDO ayaa waxa ay masuuliyiintii goobtaasi ka hadashay ay si weyn u cadeeyeen in ay diyaar u yihiin dib u hanashada meeqaamkoodii ciidanimo.

 

Maxamed Gaarane

gedonet-Baardheere,GEDO

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Khilaaf ka taagan sidii maleeshiyo reer Gedo ah loogu uruurin lahaa DFS

 

Bardheere 29 April. 06 ( Sh.M.Network) Maamulka gobolka Gedo ayaa waxaa soo kala dhex galay khilaaf ku aadan sidii maleeshiyaad Reer Gedo ah loogu uruurin lahaa dowladda FS, iyadoo mas'uuliyiinta qaar ay sheegeen in xiligaan maleeshiyo aan laga uruurin karin gobolka Gedo.

 

Gudoomiyaha maamulka gobolka Gedo Xuseen Sheekh Cabdi Ismaciil iyo Col, Cabdi Nuur oo dhowaan loo magacaabay in uu noqdo taliyaha ciidamada xoogga ee gobolka Gedo ayaa waxa ay kulan la qaateen qaar ka mid ah saraakiishii hore ee ciidamada xD Somalia.

 

Mas'uuliiintaan oo maalmahaan ku sugnaa degmada Baardheere ayaa waxa ay sheegeen in ujeedada socdaalkooda ay ugu muhimsan tahay sidii loo uruurin lahaa maleeshiyaadka gobolka Gedo si ay tababar ugu qaataan degmada Waajid ee gobolka Bakool, halkaasi oo ay sheegeen in xeryo ku yaala in tababar ay ku qaadanayaan maleeshiyaad ka kala yimid gobolada dalka Somalia.

 

Qaar ka mid ah sarakiisha ciidamadii hore ee xD Somalia oo kulankaasi ka hadlay ayaa waxa ay sheegeen in xiligaan aysan habooneyn in maleeshiyaad laga aruuriyo gobolka Gedo oo tababar ay ku qaataan meelo ka baxsan gobolkaasi, iyagoo sheegay in gobolka Gedo uu leeyahay xeryo, ayna soo dhaweynayeen hadii dowladda ay halkaasi tababaro uga fureyso.

 

Sidoo kale Gudoomiye K/xigeenka gobolka Gedo iyo Taliyaha maleeshiyooyinka Ceelwaaq, Max'ed Cabdi Jaliil ayaa iyaguna ku gacanseyray in maleeshiyaad ka soo jeeda gobolka gedo ay tababaro ku qaataan meelo ka baxsan gobolkaasi

 

Axmed Cumar Saalixi

 

Shabelle Media Network, Gedo

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^ The troops are coming indeed. This is the most important startegy for the governemnt, keep quite and build up the police and armed forces.

 

Without teeth one can not bite...

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^ The end for your dreams maybe. The army will be composed of every Somali clan. The regions Gedo, Bay & Bakool, Jubas will send troops who will then be incorporated into the national army and police.

 

An example of this is the 150-200 police officers who went for training in Armo, they were made up of every clan including individuals from Mogadishu.

 

Its a good step, yet I fully understand why a secesionist would be against it... :D

 

Somali Pres, 2010 is not that far away.. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jaylaani   

^^^

How many MARDUUF of kat do consume daily? Really, I need to know. Caqligii mijilisyada kaaga sheekaynaysaa meesha.

 

I don't wanna say I told you so but just incase you're in la la land and out of touch with reality read the article below.

 

 

Magaalada Baydhabo iyo isku dhacyada Maleeshiyooyinka maxaa kala heysta?

 

Talaado, May 02, 2006 (HOL): Iyadoo aan si rasmi ah magaalada Baydhabo looga wada saarin maleeshiyooyinkii ku sugnaa ayaa maanta waxaa magaaladaas ku dhex dagaalamay labo maleeshiyo oo mid ay ku heyb tahay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, halka tan kalena ay deegaanka ka soo jeedo.

 

Dagaalka dhexmaray labadan maleeshiyo ayaa waxaa ku dhintay hal ruux lix kalena waa ay ku dhaawacmeen, waxaana uu dagaalkaas ka dhashay gaari ay saarnaayeen Maleeshiyooyinka ku heybta ah madaxweynaha oo biyo wadada hareeraheeda fadhiyay ku faniiniyay maleeshiyooyin kale oo fadhiyay meel aan sidaasi uga fogeyn wadada.

 

Marka laga reebo qofka dhintay lixda kale ee dhaawaca uu soo gaaray ayaa seddex ka mid ah waxay ahaayeen dad rayid ah oo ku sugnaa agagaarka halka dagaalku ka dhacay. Intii dhaawacooda uu fududaa ayaa lagu daweeyay Farmashiyayaal ku yaala gudaha Magaalada, bacdamaa uusan shaqeynin Isbitaalka Magaalada, iyadoo dadkii kale ee dhaawacooda halista ahaana loo qaaday magaalada Mqudisho.

 

Isku dhaca maleeshiyo ee maanta ka dhacay magaalada Baydhabo ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dhawaan maleeshiyooyin horay ugu sugnaa gudaha magaalada qaarkood la geeyay Xero lagu magacaabo Deynuunaay oo magaalada Baydhabo barigeeda ku taalo, walow ay jiraan maleeshiyooyin kale oo weli magaalada isku sii dhejinaya. Baydhabo ku dhaawacan xiligan waxay ula mid tahay isagoo inkaar lagu riday waayo ma lahan Isbitaal la dhigo dadka dhaawaca soo gaaro, waxaana dadka dhaawacyada ku gaaraan loo qaadaa Magaalada Muqdisho oo u jirta Baydhabo in ka badan 240Km.

 

Xiisadda kacday ayay wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo sheegayaan in ay xalinteeda gacanta kula jiraan Guddiga Nabadgelyada Gobolka Bay iyo xubnaha Dowladda ugu jira Beelaha Digil iyo Mirifle, kuwaasi oo muddooyinka ku howlanaa sidii ay magaalada Baydhabo uga dhigi lahaayeen mid nabad ah oo maamulna uu ka jiro.

 

Bishii hore bartamaheedii ayay ahayd markii uu isku dhac midkan la mid ah uu gudaha magaalada Baydhabo ku dhexmaray maleeshiyooyin la mid ahaa kuwa maanta isku dhacay, walow xiisaddaas la qaboojiyay intii aysan faraha ka wada bixin.

 

Magaalada Baydhabo oo ay ku sugan yihiin Xildhibaano 200 ka badan ayaa xaalkeeda wuxuu u muuqdaa mid iska bedelaya sidii uu ahaa markii dowladda xubnaheeda la soo dhaweynayay, waxayna dhawaan xildhibaanada Baarlamaanka u codeeyeen in ay Dowladda ku sii shaqeyso Magaalada Baydhabo.

 

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^ lol. That was a small incident between local gunmen and a vehicle carrying four guards. The whole eposidoe did not last more than 5 minutes.

 

That has nothing to do with the fact that there are thousands of millitias being trained.

 

The people of Bay have shown their support for the TFG. They will be at the forefront of the new armed forces. However in a nation run for so long by the gun, we expect there to be incidents but no major clashes..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this