Deeq A. Posted January 14, 2023 Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad-goboleedka Puntland ayaa wareegto uu maanta soo saaray ku magacaabay guddiga diyaarinta wada-xaajoodka arrimaha federaaleynta dalka, xilli uu dowladda federaalka soo kala dhex-galay khilaaf la xiriira arrintaan. Guddigan oo laba heer ah ayaa waxa uu madaxweyne Saciid Deni kusoo saaray xeer madaxweyne Lr. 002, isaga oo ka duulaya go’aankii maamulkiisa kasoo baxay 9-kii bishaan. Guddiga diyaarinta wada-xaajoodka arrimaha federaaleynta dalka ee madaxweyne Deni uu magacaabay ayaa waxay iskugu jiraan laba heer oo kala ah; guddiga goleyaasha dowladda iyo guddiga khubarada, sida lagu sheegay wareegtadan. Xubnaha guddigan ayaa isku geyn ka kooban 22 xubnood, waxayna kala yihiin; Guddiga Goleyaasha Dowladda: Md. Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan Guddoomiye Md. Cabdi Faarax Siciid (Juxa) G. Xigeen Md. Saadiq Abshir Garaad Xubin Md. Axmed Jaamac Cabdulle Xubin Md. Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad Xubin Md. Carshe Maxamed Siciid Xubin Md. Cabdullaahi Maxamed Xasan Xubin Md. Ilyaas Cismaan Lugatoor Xubin Md. Maxamed Cabdiwaab Axmed Xubin Md. Cabdifitaax Maxamed Cabdinuur Xubin Md. Xasan Yuusuf Nuur Xubin Md. Maxamuud Cawad Cumar Xubin Md. Maxamed Cabdirisaaq Aw Cilmi Xubin Guddiga Khubarada: Md. Axmed Cali Xaashi Guddoomiye Md. Ismaciil Xaaji Warsame G.Xigeen Marwo Saynab Ugaas Yaasiin Xubin Md. Maxamed Maxamuud Ciis (Awoowe) Xubin Md. Axmed Abshir Faarax Xubin Md. Xasan Maxamuud Ciise (Binge) Xubin Md. Cabdullaahi Siciid Ismaciil (Keyton) Xubin Md. Maxamed Siciid Maxamed (Jabiye) Xubin Md. Cabdiraxmaan Cabdullaahi Xasan (C/nuug) Xubin The post Deni oo magacaabay guddiga wada-xaajoodka federaalka appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites