Sign in to follow this  
Liibaan

Taliye Ku Xigeenkii Somalidiidka Oo Caawa Lagu Dilay Caynaba, Somalia

Recommended Posts

Liibaan   

Taliye Ku Xigeenkii Somalidiidka Oo Caawa Lagu Dilay Caynaba-

 

Lasanod Online. Sunday, February 07, 2010

 

 

 

Laascaanood,(Lasanod Online)- Taliye Ku xigeenkii Ciidamada Maamulka labaxay Somaliland ee gobolka Sool, ayaa caawa lagu toogtay gudaha magaalada Caynaba.

 

Taliyahan waxaa toogatay askari ka tirsan ciidamada Somaliland. Sarkaalkan dhintay ayaa la sheegayo inuu kasoo jeedo bariga Burco.

 

Wararku waxay sheegayaan in askarigan dilka geystayna uu ka mid ahaa ilaaladii ninka gudoomiyaha u ah xisbiga udub oo booqosho ku marayey Gobolka Sool. Askarigan dilka geystay ayaan la sugin beesha uu kasoo jeedo.

 

Warar horudhac ah oo markii hore sheegay inuu kasoo jeedo SSC, ayaa hadda wararka ugu danbeeyey xaqiijiyeen in wax iska bedeleen warkaas oo aan la hubin.

 

Lama sheegin waxa kelifay in ninkan askari ahi dilo sarkaalkan ka tirsan Ciidamada Somaliland. Wararku waxay tibaaxayaan in sarkaalkani uu ahaa ninkii watay ciidamadii sida foosha xun ula dhaqmay shacabkii kacdoonka Laascaanood.

 

Sarkaalkan dhintayna ayaa la sheegay inuu kamid ahaa ragii amarka ku bixiyey in shacabka laasaanood la cadaadiyo.

 

Sarkaalkan ayaa noqonayaa kii labaad ee laga dilo Saraakiisha sare ee Ciidamada Somaliland ee aaga bari, iyadoo hore qarax magaalada Laascaanood lagu dilay taliyihii ciidaamada Somaliland ee Gobolka Sool, Cismaan Nuur.

 

Shabakadda LASANOD waxaanu akhristayasha ka raalli gelinaynaa wararkii hore oo wax iska bedeleen. Anagoo had iyo jeer ku dadaalna inaanu idiin soo tebino wararka xaqiiqada ah, meel kastoo ay ka dhacaan..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Askari kasoo jeeda SSC oo dil toogasho ah ku dilay taliye kuxigeenkii Somalidiidka jooga Laas Caanood

 

 

Warar aannu ka hellay ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in askari ka tirsan maamulka Soomaalidiidka ee ka taliya Hargaysa kana soo jeeda degaannada SSC uu caawa dil toogasho ah ku dilay taliye ku-xigeenkii ciidammada Soomaalidiidka u joogey Laas Caanood.

 

 

Askarigan dilka geystay ayaa lagu soo warramay in uu ka xumaaday sida waxashnimada leh ee bina aadanimada kabaxsan ee loola dhaqmay shacabka masaakiinta ah oo ubadan caruur iyo haween ee shalay maleeshiyada Hargeysa ku jir dilay magaalada Laas Caanood.

 

Sarkaalkan ladilay oo asal ahaan kasoo Jeeda bariga Burco ayaa lasheegay in uu ahaa ninkii amarka ku bixiyey in shacabka masaakiinta ah laciqaabo.

 

Wararku waxay intaas ku darayaan in caawa magaalada laba dhinac u kala baxeen malayshiyaadkii ku soo duuley Laas Caanood xoogana kuhysta iyo malayshiyaadkii daacada u ahaa markii hore ee kana soo jeeda gobollada SSC.

 

Wixii warar ah ee xaaladdan ku soo kordha dib ayaannu idin kala soo socodsiin doonna haddii Allah idmo.

 

 

 

Buhodle.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

They are clan militia when they're alive and high ranking officers when they die ,,,, :D

 

 

Allah ha u naxariisto ................ it happened accidentally and has nothing to do with assassinations.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Jacaylbaro:

They are clan militia when they're alive and high ranking officers when they die ,,,,
:D

We are learned from the best ;)

 

Series of killings and bombings ain't no accidents

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

JB,

 

There are no accidents, sir. This man was killed intentionally and it's a big deal. The criminal who shot this man should be executed to send a strong message.

 

Accidents my foot!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this