Deeq A. Posted January 14, 2023 Iyadoo ay Golaha Wakiillada cod aqlabiyadda ku ansixiyeen miisaaniyadda sannadeedka Soamaliland ee 2023,isla markaana uu Madaxweyne Biixi wereegto uu soo saaray 19 bishii December 2022-kii uu ku dhaqan-geliyey Miisaaniyad sannadeedka 2023,taas oo ka kooban Miisaaniyadda Dawladda Dhexe, Dawladaha Hoose, Hay’adaha Madaxa- bannaan ee Dawladda iyo Deeqaha Caalamiga ah oo dhan SL.SH= 3,581,440,706,340/= (Saddex Tirilyan, Shan Boqol Kow iyo Siddeetan Bilyan, Afar Boqol iyo Afartan Milyan, Toddoba Boqol iyo Lix Kun, Saddex Boqol iyo Afartan Shillin Somaliland ah),isla markaana dhaqan-gel noqonaysay 1 bishan January 2023,haseyeeshee miisaaniyaddaa ayaan weli ahayn mid dhaqan-gal,taas oo la baafinayo, isla markaana Banjartay, waxaana la sheegay inay la meeraysanayso wasaaradda maaliyadda Somaliland. Hadabba waxa la is weydiinayaa maddaama oo uu Madaxweynihii sexeexay,isla markana ay ahayd inay dhaqan-gal noqoto bishan January 2023 sababta ay illaa hadda loo socod siin waayey dhaqan-galka miisaaniyaddaas ee ay ugu dhaggen-tahay wasaaradda Maaliyadda Somaliland. Source Share this post Link to post Share on other sites