Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: NISA oo howlgal ka dhacay Muqdisho kusoo qabatay keyd hub ah iyo qaraxyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay xalay Ciidamada Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ka sameeyeen gudaha degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir.

Howlgalkan oo ahaa bartilmaameed ayaa waxa ay ciidamadu ku galeen gur ku yaalla degmadaasi, waxayna gacanta ku soo dhigeen keyd hub ah iyo walxaha qarxa.

Saraakiisha howlgalka sameysay ayaa shaaca ka qaaday in sidoo kale gacanta lagu soo dhigay haweeney dagenyd guriga lagu keydiyay hubkaasi, taas oo ay sheegeen inay haatan ku hayaan baaris dheeraad, sidoo kalena loo gudbinayo hay’adaha ku shaqada leh.

Hubka lasoo qabtay ayaa isugu jiro bambaanooyin, qoryaha AK47 iyo rasaas, sida ay u muujinayaan sawirrada ay soo bandhigtay hay’adda NISA.

Sida muuqata hubka ayaa laga soo bixiyay dhulka hoostiisa, ayada oo jawaanno lagu keydiyay, waxaana isticmaalayay xubno ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo ay weli daba-gal ku hayaan saraakiisha laamaha amniga, sida lagu shaaciyay qoraalka kasoo baxay NISA.

Howlgalkan ayaa wuxuu kusoo aaday, wax yar uun kadib khudbaddii uu maalin kahor madaxweynaha Soomaaliya ka jeediyay dibad-baxii garoonka Koonis, isaga oo ku dhawaaqay in howlgal culus oo ka dhan ah Al-Shabaab laga bilaabi doono Muqdisho.

NISA ayaa horey ugu guuleysatay soo qabashada xubno ka tirsan Al-Shabaab iyo hub, kadib howlgallo ay ka sameysay qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Si kastaba, maalmihii dambe ayaa waxaa caasimada ka socday howlgallo ay si wadajir ah isaga kaashanayaan Nabad Sugidda iyo Booliska, si looga hortago falalka amni darrada ah.

8db22b5f-f0d8-4f02-9360-528e30e29912.jpg 98e1e7f2-532e-4cc0-b31e-be1511eb663e.jpg 121e9627-387a-4513-9f7e-29d5971a0d5b.jpg 0949ce58-440f-4a33-859d-2e9474f742ac.jpg 881215ee-5fc3-46bf-9a71-babfe0604c20.jpg a0fb0c5b-f987-4a14-89fa-34c8bafe5601.jpg

The post Sawirro: NISA oo howlgal ka dhacay Muqdisho kusoo qabatay keyd hub ah iyo qaraxyo appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this