Deeq A. Posted January 14, 2023 Ciidamada xoogga dalka iyo xoogga deegaanka ee loo yaqaan Macawisley ayaa maanta la wareegay gacan ku haynta deegaanka Ceelhuur oo hoos taga degmada Hobyo ee gobolka Mudug. Ciidamada huwanta ayaa si nabad ah kula wareegay tuulada Ceelhuur, kaddib markii ay ka baxeen kooxda Al-shabaab oo muddo dheer gacanta ku hayay. Dhanka kale Al-shabaab ayaa ka baxay degmada Xarardheere iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolka Mudug, waxayna wararka sheegayaan in ay u baxeen dhulka miyiga. Tallaabadan ayaa ku soo beegantay xilli Koonfurta Gobolka Mudug uu ka socdo abaabul ciidan oo ku jihaysan Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Mudug: Ciidamada dowladda oo la wareegay Ceelhuur appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites