Sign in to follow this  
Deeq A.

Mudug: Ciidamada dowladda oo la wareegay Ceelhuur

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16736876221606672.jpg?resize=715%

Ciidamada xoogga dalka iyo xoogga deegaanka ee loo yaqaan Macawisley ayaa maanta la wareegay gacan ku haynta deegaanka Ceelhuur oo hoos taga degmada Hobyo ee gobolka Mudug.

Ciidamada huwanta ayaa si nabad ah kula wareegay tuulada Ceelhuur, kaddib markii ay ka baxeen kooxda Al-shabaab oo muddo dheer gacanta ku hayay.

Dhanka kale Al-shabaab ayaa ka baxay degmada Xarardheere iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolka Mudug, waxayna wararka sheegayaan in ay u baxeen dhulka miyiga.

Tallaabadan ayaa ku soo beegantay xilli Koonfurta Gobolka Mudug uu ka socdo abaabul ciidan oo ku jihaysan Al-shabaab.

PUNTLAND POST

The post Mudug: Ciidamada dowladda oo la wareegay Ceelhuur appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this