Sign in to follow this  
Deeq A.

Ururka EAC oo bilaabay hannaanka lagu aqbalayo in Soomaaliya xubin ka noqoto

Recommended Posts

Deeq A.   

Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (The East African Community-EAC) ayaa bilowday hannaanka sida rasmiga ah loogu aqbalayo dalka Soomaaliya inuu xubin buuxda ka noqdo ururka, tallaabadaas oo looga gol leeyahay in lagu balaariyo fursadaha dhaqaale ee Gobolka.

Kulan dhowaan uu yeeshay Xoghaynta Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Afrika iyo Baarlamanka Bariga Afrika (EALA), Maxkamadda Cadaaladda ee Afrika (EACJ) iyo hawlwadeennada EAC oo ka dhacay magaalada Machakos, ayaa Xoghayaha Guud ee Ururka Dr. Peter Mutuku Mathuki, waxaa uu sheegay in marka ay soo idlaadaan wadaxaajoodka, in ka hor dhammaadka sannadka 2023-ka Soomaaliya rasmi ahaan loogu aqbali doono xubin ka noqoshada ururka.

“Waxaan dhammaadka bishan Soomaaliya u direynaa koox khubaro ah oo qiimeyn ku sameyn doonta xaaladda dalka, kadibna waxay keeni doonaan warbixin. Warbixintaas waxaa lala wadaagi doonaa Golaha Wasiirada ee Uurka iyo Shir Madaxeedka Suuqa Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC) si ay talo uga bixiyaan. Haddii loo arko inay buuxisay shuruudaha xubin ka noqoshada ururka, waxay Soomaaliya nasiib u yeelaneysaa inay noqoto dalka 8aad ee ururkan xubin ka noqda dhammaadka sannadkan’’ ayuu yiri Dr Mathuki, Xoghayaha Guud ee Urur Goboleedka Iskaashiga Bariga Afrika (EAC).

Dr Mathuki ayaa sidoo kale xusay in ku biiritaanka Soomaaliya ee ururka ay sare u qaadi doonto dhaqaalaha gobolka lana filayo in dakhliga haatan soo gala oo dhan 10 billion oo dollar in uu labanlaabmo uuna gaari ilaa 20 billion oo dollar.

PUNTLAND POST

The post Ururka EAC oo bilaabay hannaanka lagu aqbalayo in Soomaaliya xubin ka noqoto appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this