Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirkad uu leeyahay Donald Trump oo lagu ganaaxay illaa $1.6 milyan oo Dollar

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxkamad ku taalla magaalada New York ee dalka Maraykanka ayaa Jimcihii xukun ku ridday shirkad uu leeyahay madaxweynihii hore ee dalka Maraykanka Donald Trump.

Shirkadda ayaa lagu helay denbi la xiriira ‘wax isdaba-marin dhinaca cashuuraha ah’ oo socotay muddo 15 sannadood ah sida laga soo xigtay maxkamadda.

Garsoore Juan Merchan oo ka tirsan maxkamadda denbiyada ee Manhattan ayaa ku xukumay shirkadda Trump lacag gaaraysa illaa $1.6 milyan oo dollar oo ganaaxa.

Qoraal ka soo baxay shirkadda ka dib markii xukunka la soo saaray ayay ku sheegeen inaanay wax khalad ah samayn isla markaana ay xukunkaas racfaan ka qaadanayaan.

PUNTLAND POST

The post Shirkad uu leeyahay Donald Trump oo lagu ganaaxay illaa $1.6 milyan oo Dollar appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this