Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-shabaab oo isaga baxay degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaas ay isaga baxeen maleeshiyaadka Al-shabaab.

Al-shabaab ayaa sida la xaqiijiyay ka hor inta aysan ka bixin degmadaas waxay shacabka Xarardheere ku amreen in ay ka baxaan magaalada.

Wararka ayaa intaas ku daraya in kooxda iyo shacabkii ay ka xaysteen u baxeen miyiga iyo tuulooyinka ka baxsan Xarardheere.

Tallaabadan ayaa ku soo beegntay xilli Koonfurta Gobolka Mudug uu ka socdo abaabul ciidan oo ku jihaysan Al-shabaab.

PUNTLAND POST

The post Al-shabaab oo isaga baxay degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this